Qaramada Midoobay oo ku eedeysay Kuuriyada Waqooyi inay sameysaneyso hubka Nuclear-ka

Date:

New York 4 August 2018 (SNTV):-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku eedeysay dowladda Kuuriyada Waqooyi inaysan joojinin sameysashada barnaamijyadeeda la xiriira Nukliyeerka, gantaalada riyadda dheer ee madaxa hore looga xiro hubka nuclear-ka iyo kuwa kale.

Warbixin ay soo saareen golaha ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Pyongyang ay sii wadato qorshaha la xiriira dhoofinta hubka sharci darrada ah iyo shidaalka, kuwasi oo ka mid ah waxyaabaha laga saaray cunuqabateynta oo ah inaysan dhoofin Karin.

Kulan ay shalay isugu yimaadeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu shaaciyay in Xukuumadda Pyongyang ay sii waddo sameysashada hubka nuclear ka, iyagoo soo jeediyay in talaabo cad laga qaado.

Dowladda Waqooyi Kuuriya ayaa weli ka hadlin eedeymaha ay u soo jeediyeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasi oo ku saabsan inaysan weli joojinin sameysashada hubka Nuclear ka.

Todobadkii la soo dhaafay saraakiil ka tirsan Dowladda Mareykanka ayaa sheegay in Xukuumadda Pyongyang ay u muuqato mid weli ku adkeysaneysa inay sii sameysato gantaalada riddada dheer ka sameysan balaastikada, taasi oo ay  ku sheegeen inay sii xumeyneyso cilaaqaadka bilowga ah ee ka dhexeeya dowladaha Kuuriyada Waqooyi iyo Mareykanka.

Saraakiil aan la magacaabin oo Mareykan ah ayaa sheegay in setelite-ka ay soo qabatay muuqaalo iyo sawiro muujinaya in Kuuriyada Waqooyi ay sameysaneyso hubka Nuclear ka.

Bishii June Madaxdweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi  Kim Jong-un ay ku kulmeen dalka Singapore, kuwaasi oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Xukuumadda Pyongyang ay u joojin lahayd sameysashada hubka nuclearka.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha BJFS oo guddoomiyay Shirka Guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Golaha Wasiirrada oo bogaadiyeen howlgallada dalka looga sifeynayo khawaarijta

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Wasiir Biixi oo kulan la qaatay Madaxda Sare ee Sanduuqa horumarinta dhaqaalaha Carabta 

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...

Wasiir Beene-beene oo la kulmay Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud...