R/wasaare Kheyre oo shir guddoomiyey Shirka Wadajir ah ee Golaha Wasiiradda XFS iyo Puntland

Date:

Muqdisho (SNTV)-, Shirkaan wadajirka ah ee ay maanta Magaaladda Garoowe ku yeesheen xubnaha Golaha Wasiiradda Xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo Wasiiradda dowlad Goboleedka puntland, ayaa looga hadlayey xoojinta wada shaqaynta wasaaradaha dowladda dhexe iyo Maamulka Puntland, isla markaana loo mideyn lahaa siyaasada iyo   sharcidda .

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali , ayaa shir Guddoomiyey shirkaan,  waxaan ka qayb galay madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xiggeenka Puntland, iyaddoo si wayn looga dooday  siddii loo  adkeyn lahaa iskaashiga iyo wada shaqaynta wasaaradaha  dowlada federalka Soomaaliya iyo puntland, halkaas, ayaana lagu soo bandhigay Baahiyaha ka jira deeganada puntland iyo mashariicda kale duwan ee laga fulin karo, taas oo lagu horumarinayo arrimaha bulshada dhaqaalaha  amniga  shaqalaha.

Dhamman  Golaha wasiiradda Dowlad goboleedka puntland, ayaa tilmaamay in wasiir kasta ay ka dhaxeyso wada shaqayn wanaagsan,  iyadga iyo kuwa dowladda dhexe.

shirka Wada jirka ah ayaa lagu go’aamiyey  in  si dhaqso ah   Loo sii  daayo maxabiis ku jirta xabsiga dhexe Magaaladda Garoowe, kuwaasi oo ku dhow 600 boqol  Muwaadin oo loo haysto falal burcad badeednimo ah,  si ay ugu dhamaystaan  xukuno ay ku rideen maxkamadu ku yaalla dalka Dibadiisa,  iyaddoo loo marayo hab sharci ah, daba-galka Arrintaanna ayaa waxaa loo xil saaray Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Wasiirka Cadaaladda XFS.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...