Soomaaliya iyo Eritrea oo Heshiis Kala saxiixday

Date:

Asmara (SNTV);-Waxaa magaalada Asmara ee dalka Erereriya kusoo dhammaaday booqashadi  rasmi aheyd oo halkaas ay ku joogeen Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka ah ee soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayey.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxay halkaas kulan kulasoo qaateen, madaxda dalkaas oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dalka, iyo arimo kale oo labada dowladood muhiim u ah, waxaana kulankaas lagasoo saaray warmurtiyeed. u qornaa sidan;

Iyada oo maanka lagu hayo xiriirka iyo saaxiibtinimada qotoda dheer ee labada  shacab ee Ereteriya iyo Soomaaliya.

Iyada oo dib loo millicsanayo xaqiiqada ah in shucuubta Soomaaliya iyo Ereteriya ay si joogta ah isu garab istaageen, isuguna taageereen halgankii mid kasta ugu jirey  xornimada, madaxbannaanida iyo horumarka.

Iyada oo lagu salaynayo xiriirka walaaltinnimo ee taariikhiga ah iyo dedaalka ay labada dowladood ugu jiraan yagleelidda iskaashi labada dhinac ah, oo u faa’iidaynaya labada dal iyo guud ahaan gobolka;

Dowladaha Ereteriya iyo Soomaaliya waxay ku heshiiyeen qodobbada soo socda: –

1.Soomaaliya waxay ku taallaa goob istiraatiiji ah, waxayna  leedahay khayraad tiro badan oo isugu jira kuwo aadmi iyo kuwo dabiici ah.

Laakiin  ka faa’iideysiga khayraadkaas waxaa ka hor istaagey dhibaatooyinka gudaha ka jira iyo faragelin dibadeed. Sidaasi darteed, Ereteriya waxay si mug leh u taageereysaa madaxbannaanida, siyaasadeed, qarannimada iyo midnimada Soomaaliya si dalku uu u soo ceshado maqaamkii uu ku dhex lahaa dunida, loona xaqiijiyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

2.Soomaaliya iyo Ereteriya waxay dadaal gelinayaan sidii ay u sameysan  lahaayeen iskaashi taabanaya dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka, difaaca iyo amniga.

3.Labada dal waxay yagleelayaan xiriir diblomaasiyadeed iyaga oo is dhaafsanayaan danjireyaal, sarena u qaadaya ganacsiga iyo maalgashiga dhexdooda ah, sidoo kalena isweydaarsanaya fursadaha la xiriira waxbarashada iyo dhaqanka.

4.Ereteriya iyo Soomaaliya waxay si wadajir ah uga hawlgelayaan sidii loo  horumarin lahaa nabadgelyada, xasilloonida iyo isdhexgalka dhaqaale ee gobolka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...