Ra’iisul wasaare Kheyre oo ka hadlay nooca siyaadda dalka u baahan yahay

Date:

Ra’isalwasaaraaha xukuumada federaalka ah  ee somalia mudana xasan cali Kheyre, oo ku sugan magaalada Garowe ee xarunta puntland ayaa Khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeedinayey munaasabad soo dhaweyn ah oo ay usoo sameeyeen madaxda iyo dhalinyarada jaamacada bariga Africa  ee magalaadaas , waxanana uu ka  hadlay arimo  badan oo  ay kamidtahay  doorka dhalinyarada ee dib u dhiska  wadanka, midnimada iyo wadajirkka, waxyaabaha dowlada federaalka ay hiigsaneyso  mustaqbalka dhow iyo kan fogba, horumarinta dhaqaalaha, siyaasada, Amniga, cadaalada, iyo sidii  Soomaaliya ay wax ula qeybsan laheyd  caalamka.

Khudbada r’aisalwasaaraha oo aad u dheereyd soona jiidatay dadka goobta fadhiyey ayaa ugu horeyn ku ammaanay madaxda iyo shacabka reer puntland sida ay isu horumariyeen mudadii ay jireen oo gaareysa 20 sano, waxana uu sheegay in mudadaas ay gaareen horumar wanaagsan oo kudayasho mudan isagoo dhalinyarada reer puntland ku booriyey inay ka qeybqaataan Nabada iyo dowladnimada,

“waxaa muuqata in horumar wayn aad sameyseen, maskax iyo caqli ayaadna kudhisateen deegaankiina” ayuu yiri ra’isalwasaare Kheyrre.

Ra’iisul wasaaraha oo hadalkiisa u badnaa mid uu ku guubaabinayey dhallinyarada kuna tusayey Awooddooda, Aqoontooda iyo cuddadooda, ayaa sheegay in dadkii dalkan xornimada garsiiyey ay dhalinyaro ahaayeen, taasina ay ku keenneen isku duubni iyo wadajir, sidaas darteed uu ugu baaqayo dhalinyarada inay ka fakaraan sidii ay u midoobi lahaayeen  dalkoodana ay  dhibaatada uga saari lahaayeen, wuxuuna intaas kudaray in dhalinyaradu  ay looga baahanyahay inay noqdaan tabliiqa cusub ee nabada iyo dowlada.

Ra’isalwasaaraha ayaa sheegay in lo baahan yahay siyaasad hufan oo kala saarta awoodda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleeyada.

Mar uu ka hadlayey dagaalka deegaanka Tukaraq waxa uu sheegay in dagaalkaas uu dhibaato kuyahay shacabka labada dhinac iyo guud ahaan soomaaliya sidaas darteed ay haboontahay in si deg deg ah lagu joojiyaa.

“waa in dagaalka tukaraq lagu baddelaa xasilooni iyo midnimo” ayuu yiri Mudane Kheyre.

Mudane Xasan Cali Kheyrre Ra’isul wasaaraha soomaaliya ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la helaa nidaam cadaaladeed oo dhameystirin kaasoo buu yiri  dadka somaliyed oo dhan ay aqbalaayaan waa in dowladnimada laga horumarinayo  ayuu yiri danaha gaar ah,

Waxa uu sheegay in sanadka 2020 ay dowlada ay rajeyneyso in  dalka laga hirgaliyo  Dastuur dhab ah shacabka somaliyed ay leeyihiin, kaasoo ah sharci dadka kala hagaya.

Mar uu ka hadlayey hufnaanta Maaliyadda ee dalka waxa uu sheegay in  horumar fiican laga gaaray arintaas   wax badanna dowladu ay ka qabatay dhinaca maaliyada, taasoo aduunku uu ku ammaanay, isagoo rajeyey in laga cafin doonno somalia  deymaha lagu leeyhahay.

“waa inaan ka fogaanaa musuqmaasuqa oo aan la imaannaa nidaam hufan, Aduunkana wuxuu nagu Ammaanay inaan horumar fiican ka sameynay nidaamka maaliyadeenna” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Madaxda Jaamacada bariga Africa ee magaalada Garowe ayaa Ra’isul wasaare gudoonsiiyey shahaado sharaf ku saabsan sida uu ugu guuleystay xasilinta dalka, waxaana isla goobta lagusiiyey buug ka hadlayey sida loo noqdo hogaamiyo wanaagsan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...