Dadwaynaha reer Zimbabwe oo maanta u dareeray doorashada Madaxtimada

Date:

Muqdisho (SNTV);- Dadka reer Zimbaabwe ayaa dooranaya hoggaan cusub, mudo ka badan 30 sano oo xukunka dalkaasi haystay madaxweynihii hore ee dalkaasi Rober Mugabe,waxaana ku tartamaysa doorashada dhowr musharax.

Waxaa doorashada ku loolamaya xisbiyada mucaaradka iyo muxaafadka oo tiro ahaan gaaraya ilaa 20 xisbi,waxaana kamid ah madaxweynaha haatan talada haya Emerson Mnangagwe iyo Nelson oo xaga mucaaradka ka soo jeeda.

Dhanka kale madaxweynihii hore ee talada laga riday ee dalkaasi Robert Mugabe ayaa sheegay in uusan taageersanayn xisbiga muxaafadka oo uu wax ka soo dhisay,wuxuuna sheegay inuusan taageereyn ninka xilka ka qaaday oo ku tartamaya magaca xisbiga isaga uu sameeyey ee Zanu PF, Emmerson Mnangagwa,maadaam uu yahay ninkii xilka ka tuuray.

Taasi bedelkeeda waxaa uu Mr Mogabe uu sheegay in uu taageersan yahay ninka dhanka mucaaradka ka socda ee Nelson Chamisa,isagoo intaasi ku daray in marnaba uu codsiiga siin doonin mr Emerson.

Hadalkaasi ayuu shalay ka sheegay shir jaraaid uu gurigiisa oo kuyaala magaalada Harare ee caasimadda dalkaasi Zimbabwe ugu qabtay warbaahinta,wuxuuna cadeeyey mowqifkiisa.

5,635,706 ayaa iisu diiwaangeliyey iney doorashada codkooda ka dhiibtaan, mucaaradkuse waxay ka shaki qaban saxnaashaha tiradaasi la sheegay.

43.5% dadka cod bixinta iisu diiwaan geliyeyy waxay da’doodu ka hooseysaa 35 jir.

10,985 oo goob doorasho ayaa la diyaariyey,iyadoo maanta dadku ay safuuf dhaadheer ugu jiraan si ay uga qeyb qaataan doorashadaasi.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...