Madaxweyne Farmaajo oo booqanaya berri dalka Eritrea

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya  Mudane; Daahir Maxamuud Geelle, ayaa sheegay in Madaxweynaha JFS uu Berri booqasho Taariikhi ah ku tegi doono Magaalada Asmara ee caasimadda Dalka Eretrea.

Mudane; Geelle oo la hadlay war-baahinta Qaranka ayaa intaa raaciyay in Soomaliya iyo Eretria ay sameynayaan xiriir Diblumaasiyadeed oo cusub, isagoo Madaxweyne Madaxamed C/laahi Farmaajo halkaasi kulan kula qaadan doono dhiggiisa Eretrea Isaias Afwerki.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Booqashada uu Madaxweyne Farmaajo ku tegi doono Eretrea ay noqoneyso tii ugu horreysay ee uu Madaxweyne Soomaaliyeed ku tago Dalkaasi, taasoo sare u qaadeysa xiriirka Labada Dowladood.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xildhibaanada labada Aqal oo ansixiyey qaraar ku saabsan diidmada iyo ka-hortagga xadgudubka Israa’iil

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo...

Madaxweynaha JFS oo khudbad u jeediyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Dowladda Nayjeriya oo si adag u cambaareysay xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Nayjeeriya ayaa si cad u muujisay...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Hindise Sharciyeedka Mamnuucidda Gudniinka Fircooniga

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...