Raโ€™iisul Wasaare Khayre oo qaabilay wafdi ka qeyb galay shirka Waxbarashada sare ee Dalka

Date:

Muqdisho (SNTV):โ€“ Raโ€™iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socoda waddamada Thailand, koonfur Afrika, Suudaan, Turkiga iyo Talyaaniga kuwaas oo ka qayb galay shirka caalamiga ah ee waxbarashada sareย  eeย  dhawaan ka furmay magaalada Muqdisho kaas oo si wadajir ah ay usoo qaban-qaabiyeen jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo wasaaradda waxbarashada.

Raโ€™iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wafdiga kala hadlay heerka waxbarashada sare ee Soomaaliya ay soo gaartay, rajada wanaagsan ee jirta iyo dowrka horumarineed ee jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo jaamacadaha kale ee dalka ka jira ay ku leeyihiin, waxa uuna sidoo kale uga mahad-celiyay ka qayb galkooda shirkan caalamiga ah ee waxbarashada sare.

Xubnaha wafdiga ayaa dhankooda raโ€™iisul Wasaaraha uga mahad-celiyay soo dhaweynta ballaaran ee loo sameeyay, iyadooย  xubnaha wafdiga qaarkood ay sannadkii hore kasoo qayb galay shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare ay qireen in uu jiro horumar ballaaran oo dhanka waxbarashada ah, waxa aynaย  ballan qaadaeen warbixinta horumarka dalka ku arkeen ayย  gaarsiin doonaan dalalkii ay ka yimaadeen.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa kula ballamay masuuliyiinta Wasaaradda waxbarashada iyo jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo kulanka goob joog ka ahaa in ay badiyaan shirkarka lagu horumarinayo waxbarashada dalka iyo in ay la shaqeeyaan dhinacyada daneeya horumarina waxbarashada dalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatay golaha xukuumadii hore ee maamulkaas.

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal tacsi ah gaarsiiyey Amiirka Dalka Qadar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Shir looga hadlayay Tayada iyo Horumarinta Biyaha sifeysan oo Xarunta Gobolka Banaadir lagu qabtay

Mas'uuliyiinta Sheybaarka Gobolka Banaadir Ayaa Kulanka Ku soo bandhigay...