Ku simaha Wasiirka Warfaafinta XFS oo Xafiiskiisa ku qaabbilay Madax ka socotay Hayโ€™adda TIS

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Ku simaha Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna Wasiirka ku xiggeenka Wasaaraddaasi, Mudane Aadan Isaaq Cali, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilayย  Madax ka socotay Hayโ€™adda (TIS+) oo Dawladda Soomaaliya ka taageerta Horumarinta iyo Xasilinta dalka.

Kulankaasi, ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudan C/raxmaan Shiikh Yuusuf Alcadaala, Agaasime Waaxeedyada wasaaradda iyo Masuuliyiin kale.

Labada dhinac, ayaa kawada hadlay Horumarinta Qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Qaranka,ย  siddii Wasaaradda Warfaafinta XFS looga taageeri lahaa isku xirka Wasaaraddaha Warfaafinta Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada dalka.

Wasiir ku xiggeenka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Aadan Isaaq Cali, ayaa uga mahad celiyey Hayโ€™adda TISย  horumarka iyo howlaha wanaagsan ee ay ku taageerayaan Wasaaradda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...