Duqeyn cirka ah oo lala beegsaday Maleeshiyo ka tirsan Al-shabaab

Date:

Muqdisho (SNTV) Maleeshiyo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa xalay fiidkii isku dayey in ay weerar ku qaadaan fariisimo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed qeybtooda  ka howl-gasha gobolka Shabeelaha-Dhexe ku leeyihiin deegaanka Qalimow oo u dhaxeeya Degmooyinka Jowhar iyo Balcad balse waxaa ka hortgay Ciidanka Daraawiishta kuwaas oo sidoo kale u geystay qasaaro badan.

Maleeshiyada ayaa markii ay isku dayeen in ay dib u laabtaan waxay la kulmeen duqeymo dhanka Cirka ah  taas oo looga bur-buriyey labo gaari oo ay wateen.

Warar kale ayaa sheegaya in duqeynta ay uga dhinteen Maleeshiyo badan kuwaasi oo saarnaa Gawaarida duqeynta lala beegsaday.

Horay Xarumo Ururka Al Shabaab ku lahaayeen meelo kamida Gobolka Sh. Dhexe ayey isaga guureen kadib markii dagaallo xoogan kala kulmeen Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HIQ iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay iskaashi ku saabsan AI iyo tiknoolajiyadda hawada sare

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Mudane Mustafa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Taliyaha cusub ee AFRICOM 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeeray Machadka Farsamada ee Ciidamada Serbia

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallim Fiqi,...

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...