Dood wadaag ku saabsan Xasiloonida Dalka oo lagu qabtay muqdisho

Date:

Waxaa xal loogu raadinanayaa sida dalka xasilooni dhanka nabada ah loogu
soo dabaali karo iyada oo laga qeyb qaadanayo Doodo Cilmiyeysan sidda midan
oo kale.

Kasoo qeyb galayaasha ayaa waxaa kamid ah Hogaamiyasha dhaqanka,
Aqoonyahano, Xubno kamida Aqalka Sare iyo Siyaasiyiin xilal horay u soo
qabtay.

Soomaaliya ayaa soo martay  dagaalo sokeeye balse hadda waxaa ladoonayaa in
laga gudbo arrinkaas iyada oo la adeegsanayo farsamooyin aad u wanaagsan.

“Hadii aanan heshiis aheyn wax aan qabsan karno majirto maxaana u
baahanahay in aan caloosheena isku furno hadii aysan arrintaas dhicin wax
badan ayaa naga halaabaya wixii aan soo marnay waa in Cashiro ka qaadanaa
si-aan xal u gaarno” Gudoomiyaha Dib-u-heshiisiinta Qaranka Ismaaciil
Macalin Muuse.

Mustafe Maxamed Qodax oo kamida Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in loo
baahan yahay in wax leyska weydiiyo qaladaadkii hore u soo dhacay.

“Waxaan rabnaa in aan dib u laabano oo aan wax iska weydiino dhibaatadii
horay inoo soo martay si aan uga gubnl qabado badan oo haatan ina horyaala”.

Kulankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey xarunt Irshaad taas oo ka shaqeysa
Aragti-isdhaafsiga.

Waxgaradka, Aqoonyahanada, Culimada iyo dhamaan kasoo qeyb galayaasha ayaa
isku raacay muhiimada ay leedahay Dib-u-heshiisiinta iyo inay muhiim tahay
in laga wada qeyb qaato.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka warbixiyay kulanka isu-duwidda Hay’adaha Dowladda oo ka furmaya Muqdisho.

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...