Ciidamada Badda Liibiya oo badbaadiyay Tahriibayaal

Date:

Ciidamada Badda Dalka ayaa Xeebaha Galbeed ee Dalkaasi kasoo badbaadiyay 116 Tahriibayaal Afrikaan ah Axaddii Shalay.

Dadkan ayaa xilligii la badbaadinayay ku safrayay Dooni ka samaysan Caag, meel Waqooyi kaga beegan degaanka Zuwaara oo ku taalla Galbeedka Liibiya, Sida lagu sheegay war kasoo baxay Ciidamada Badda.

Musaafiriintan la badbaadiyay oo ka kala socday Waddamada, Marooko, Masar, Suudaan, Maali, Gaambiya, Jaad iyo Nayjeeriya ayaa waxaa ka mid ahaa Shan Carruur ah, waxaana loo gudbiyay saldhigga Ciidamada Badda ee Tripoli, si loo geeyo xarumaha samafalka iyo Bini’aaddannimada, halkaasoo lagu baxnaaninayo xaaladdooda Caafimaad.

Tan iyo 2011-kii Liibiya waxay marin u ahayd Tahriibayaal u badan Afrikaan, kuwaas oo qorsheynayay inay Badda dhexe (Mediterranean Sea) kaga sii tallaabaan Waddamada reer Yurub.

XIGASHO/SONNA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis ku saabsan xaaladda Ciidamada (SoFA)

War-Saxaafadeed Iyadoo la xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee walaalnimo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho Ku tegay Magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Bangiga dhexe oo xoojinaya shuruudaha Akoon furashada

Bangiga dhexe ee Soomaaliya isaga oo la kaashanaya hay’adda...