Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiga Difaaca Golaha Shacabka

Date:

Muqdisho (SNTV  Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dardar gelinta sharciga xaqsiinta ciidamada qalabka sida, furitaanka wadada leego ee gobolka Sh/Hoose iyo qodobo kale.

Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay dhameystirka sharciyada ay diyaarinayaan guddiga iyo barnaamijyada aqoon kororsiga ah oo ay guddiga u aadayaan dibadda.

Xubnaha guddiga ayaa guddoomiyaha ugu warbixiyay shaqooyinkii ugu dambeeyay oo ay qabteen iyo qorshaha guddiga ee bilaha soo socda.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa guddiga difaaca kaga mahad celiyay howlaha wanaagsan oo ay wadaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay iney muhiim tahay in si wadajir ah loogu wada shaqeeyo furista wadooyinka gobolka Sh/hoose gaar ahaan wadada leego.

“ Runtii shaqo wanaagsan ayaa qabateen waana idiin kaga mahad celinaya warbixinta tifaftiran ee aad isoo gudbiseen, waa muhiim in si deg deg ah loogu shaqeeyo sharciga xaqsiinta ciidamada iyo inan joogteyno kulamada aan yeelaneyno ”. ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.

Ugu dambeyn guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal iyo guddiga difaaca ayaa isku raacay in la bilaabo, lana xoojiyo kulamada aqoon kororsiga ah si shaqooyinka guddiga loo hormariyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...