Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiga Difaaca Golaha Shacabka

Date:

Muqdisho (SNTV  Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dardar gelinta sharciga xaqsiinta ciidamada qalabka sida, furitaanka wadada leego ee gobolka Sh/Hoose iyo qodobo kale.

Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay dhameystirka sharciyada ay diyaarinayaan guddiga iyo barnaamijyada aqoon kororsiga ah oo ay guddiga u aadayaan dibadda.

Xubnaha guddiga ayaa guddoomiyaha ugu warbixiyay shaqooyinkii ugu dambeeyay oo ay qabteen iyo qorshaha guddiga ee bilaha soo socda.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa guddiga difaaca kaga mahad celiyay howlaha wanaagsan oo ay wadaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay iney muhiim tahay in si wadajir ah loogu wada shaqeeyo furista wadooyinka gobolka Sh/hoose gaar ahaan wadada leego.

“ Runtii shaqo wanaagsan ayaa qabateen waana idiin kaga mahad celinaya warbixinta tifaftiran ee aad isoo gudbiseen, waa muhiim in si deg deg ah loogu shaqeeyo sharciga xaqsiinta ciidamada iyo inan joogteyno kulamada aan yeelaneyno ”. ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.

Ugu dambeyn guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal iyo guddiga difaaca ayaa isku raacay in la bilaabo, lana xoojiyo kulamada aqoon kororsiga ah si shaqooyinka guddiga loo hormariyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...