Wasiirka Qorsheynta oo daah-furay Tababar ku aadan Aas-aaska Xogaha iyo Tirakoobka Dalka

Date:

Muqdisho (SNTV) Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha dalka ayaa maanta tababar ku Aadan  aas aaska xogaha iyo tiro koobka dalka  ee (Basic of Statistics) ugu qabatay Magaalada Muqdisho shaqaaale ka kala socday Wasaaraddaha dowladda iyo hay’adaha.

Furitaanka Tababarkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha agaasinka Tira koobka, Cabdiraxmaan Cumar Daahir, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, iyo Dr Ben Hadji Abduliatifa oo aqoon korarsiga baxinayay.

Ujeeadada laga leeyahay aqoon kororsigaan ayaa waxaa ay tahay sidii hay’adaha dowladda  loo gaarsiin lahaa in xogta ay ka aruurin karaan hay’adahooda iyo in la helo  aqoon yahano ku xeel dheer arrimaha Xogaha iyo Tiroobka dalka ee (National Statistics).

Agaasimaha Guud ee Agaasinka Tira koobka ee Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta  Dhaqaalaha Mudane Cabdiraxmaan Cumar Daahir ayaa sheegay in tababarkan muhiimadiisa  tahay sidii aan u heli lahayn shaqaale leh aqoonteeda xogaha iyo tirooobka dalka,

“Maahan tabababarkan mid kan ku eg waa kii ugu horeeyay balse waan joogteen doonaa sidii aan tayada iyo aqoonta shaqaalaha hay”adaha dowladda aan kor ugu qaadi alahayn, Waxaan u  mahadcelinayaa Wasiirka iyo Bankigga Horumarinta Africa (African Development Bank)”ayuu yiri agaasimaha

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan oo furay taababrkan ayaa  kula dar daarmay shaqaalaha kala duwan ee ka socda hay”adaha dowladda in ay ka faa”iideystaan tababarkaan qiimaha badan  mudada sadax maalmood ah.

“Waxaad hesheen Fursad wanaagsan waxaana  loo baahan yahay in aad si wanaagsan cashirada iyo qibrada Dr abdulatif  ka faa”iideysataan dadka xirfaadan leh ayaa tahiin Sida uu sheegay Agaasime Cabdiraxmaan waa la joogteyn doonaa tababarkan”ayuu yiri wasiirka Qorsheynta

Agaasinka xogaha iyo Tirakoobka dalka  ayaa wado dadaalo fara badan oo ku aadan soo bandhigidda isbadalka Badeecadaha suuqyada oo bishii mar  la soo bandhigo, warbaxin ku saabsna korarka dhaqaalaha  dalka iyo kor u qaadida aqoonta shaqaalaha Agaasinka iyo kuwa Dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Ganacsiga XFS oo safar shaqo ku tegay magaalada Laascaanood

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...

Dhismaha wasaaradda caafimaadka Koofur Galbeed oo xariga laga jaray

Madaxweynaha Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo...

Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda

Daadad xooggan ayaa ku dhuftay gobolka Texas ee dalka...

Wasiirka Warfaafinta oo Furay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...