Eritrea Oo Magacowday Danjirihii Ugu Horreeyey Ee U Fadhin Doona Ethiopia.

Date:

Muqdisho (SNTV)-Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea, Yemane Meskel waxa uu Bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Danjiraha cusub ee la magacaabay uu yahay Ambassador Semere Russom, oo haatan haya xilka Wasiirka Waxbarashadda Eriteria, horeyna u ahaa Safiirkii Eritrea u joogay dalka Maraykanka.

Magacaabistan ayaa imaaneysa  iyadoo ay Dowladda Ethiopia khamiistii la soo dhaafay magacowday  Danjirahoodii ugu horreeyey ee u fadhin lahaa dalka Eritrea 20-kii sanno ee la so odhafaay.

Danjiraha cusub ee Ethiopia waxaa loo magacaabay Ambassador Redwaan  Xuseen oo horey u ahaa Danjirihii Ethioopia u joogay dalka Ireland.

Tan iyo markii ay Hoggaamiyaayaasha Ethiopia iyo Eritrea heshiiska kala saxiixdeen bishan July 7-dii waxaa sii kordhaya Niyadsamida dib loogu soo celinayo xiriirka Diplomaasiyadeed ee labada waddan oo go’naa tan iyo sannadkii 1998-dii.

Shirkadda Diyaaraddaha Ethiopia ee Ethiopian Airlines waxay Arbacadii la soo dhafay bilowday Duullimaadkii ugu horreeyey oo ay ku tagto caasimadda dalka Eritrea ee Asmara muddo 20-sanno kadib.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Jibriil oo furay tartanka Lady Justice Joyce Aluoch ee lagu qabtay Jaamacadda USIU-Afrika

Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa lagu martiqaaday inuu furo...

Masuuliyiin ka tirsan Hirshabelle oo kormeer dhiirrigelin ah ku tagay deegaanka Xaaji Cali

Masuuliyiin ka tirsan Dowlad-goboleedka Hirshabelle ayaa gaaray deegaanka Xaaji...

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta   

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun dil ah ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyey Dhuusamareeb

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...