Wajiga Sadexaad ee Tababar ay ka qeyb galayaan suxufiyiin ka socda Dowladda Dhexe iyo Dowlad-goboleedyada oo ka furmay Muqdisho

Date:

Muqdisho (SNTV) –Siminaarkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta oo ahaa wajigigiisi Sedexaad ee loo qabto warbaahinada Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbland ayaa inta uu socdo lagu baran doonaa sida loo mideyn karo wadda shaqeynta warbaahineed iyo u adeegidda Bulshada, tabinta Arrimaha doorashooyinka iyo ka shaqeynta wararka amaanka wadanka la xariira.

Staf Turner oo ah lataliye sarre oo dhanka warbaahinta ah hadana ka mid ah macalimiinta casharadda tababaran bixinaya ayaa sharaxay waxyaabaha lagu baranayo siminaarkan.

Cabdiraxmaan Yuusuf sheikh (Al-Cadaala) agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa sheegey iney muhiim tahay wadda shaqeynta warbaahinada Dowlada Dhexe iyo Dowlad-goboleedyada dalka .

Tababarkan ayaa xiritaan u noqon doono laba tababar oo hore oo ka qeyb galayaasha loogu soo qabtay magaalooyinka Kismaanyo iyo Baydhabo, waxaana uu muhiim u yahay Radiyo kismaanyo, Radio Baydhabo iyo Radio Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...