Ku dhowaad 500 Soomaali ah oo loo cusbooneysiinayo sharcigii ay ku joogeen Maraykanka

Date:

USA-(SNTV)-Waaxda arrimaha gudaha iyo ammaanka Dalka Maraykanka (Homeland Security) ayaa Khamiistii Shalay ahayd sheegtay in ku dhawaad 500 oo Soomaali ah oo ka qaxday dhibaatooyinka argagaxisada iyo abaarta loo oggolaanayo inay ku sii joogaan Maraykanka illaa Bisha March ee Sanadda 2020-ka.

Tallaabadan ayaa waxaa soo dhoweeyay hay’adaha u dooda xuquuqda Qaxootiga iyo Sharci-dejiyaasha Mareykanka, kuwaas oo waday olole ay Madaxweyne Trump iyo maamulkiisuba ugu dhaadhicinayaan in Dadkan loo cusbooneysiiyo sharciga ku meel gaarka ah ee TPS-ka loo yaqaan.

Dadka qaadanaya sharciga ku meel gaarka ah ayaa si weyn ugu riyaaqay go’aankan, waxanay qaarkood oo la hadlay Jariiradda The Guardian sheegeen iney dhibaatooyin fara badan kala kulmeen Kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay halkooda ku sugnaanayaan inta ay wax iska beddelayaan.

Soomaalida ku nool Dalka Maraykanka ayaa waxaa waayadii dambe soo food saartay caqabad ku saabsan joogista iyo qaadista Eheladooda ku xayiran Xeryaha Qaxootiga ee Bariga Afrika, markii uu saamayn ku yeeshay go’aankii uu Madaxweyne Trump ka qaatay soo galootiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...