Madaxweynaha JFS oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgiumka ugu baaqay iney ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka

Date:

Muqdisho(SNTV);-  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo Jaaliydda Soomaaliyeed ee dalka Belgiumka kula kulmay magaalada Brussels ayaa uga warbixiyay Xaaladda dalka iyo horumarada lagu tallaabsaday.

Wuxuu sheegay madaxweyne Farmaajo in Dowladdiisa dadaal ay ku bixisay saddex arrimood oo kala Ammaanada,Cadaaladda iyo Siyaasad hufan taasi oo ugu danbeyn keentay in Midowga Yurub iyo Bankiga Aduunka kalsooni kaga helaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in Beesha caalamka ku qanceen arrimaha daahfurnaanta ah ee ka jira dalka,islamarkaana ay balan qaadeen iney kordhinayaan joogteynayaana taageerada ay siinayaan Soomaaliya.

Wuxuuna ugu baaqay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgiumka iney u soo jeestaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka iyo iney ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa ummad mid ah.

Ugu danbeyntii,madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Maamul Goboleedyada dalka ayaa shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya uga qeyb galay magaalada Brussels kaasi oo muhiimadiisu ahayd sidii Beesha caalamka u kordhin lahayd kaalmada ay siiso Soomaaliya.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...