Shirka arrimaha Soomaaliya ee Brussels oo furmay

Date:

Brussels (SNTV)-Magaalada Brussels ee Xarunta dalka Belgium-ka, waxaa ka furmay shirka Somali Partnership Forum oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, kaasi oo soconaya 16-ka ilaa 17-ka bishan July.

Shirkan oo daba socda Shirkii lagu qabtay magaalada London bishii May 2017-kii ayaa waxaa lagu Casuumay oo ka qeyb galaya Madaxda Dowladda Dhexe, Maamul Goboleedyada, Wasiiro iyo Ururada Bulshada Rayidka.

Sidoo kale shirkan waxaa ka qeyb galaya Bankiga Aduunka, Midka Afrika, Hay’ada lacagta Aduunka ee IMF, Midowga Afrika, Qaramada Midoobey, Jamaacada Carabta iyo Qaar kamid ah Dowladdaha daneeya arrimaha Soomaaliya.

Waxaa shirkan si gaar ah diirada loogu saari doonaa Qorshaha amniga Qaranka, Bixitaanka AMISOM, Dib udhiska Ciidamada, Hormarka Dhaqaalaha, Deyn Cafiska, Dib usoo nooleynta Dakhliga iyo arrimo kale.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...