Maxkamadda Maamul Gobolleedka Galmudug oo ridday xukunno kala gedisan

Date:

Muqdisho (SNTV) Maxkamada Gobalka Mudug ee dowlad Goballeedka Galmudug ayaa ku ridday xukun isagu jira xabsi iyo ganaax labo nin kuwaasoo ay ciidamada ammaanka ee Maamul Gobolleedka Galmudug gacanta kusoo dhigeen xilli sida la sheegay ay eedeeysanayaashu faraha kula jireen falal la xiriira amni darro.

Eedeeysaneyaasha gacanta lagu soo dhigay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Mahdi Cabdi Xuseen iyo Cali Maxamed Cali kuwaasi oo eedaha iyo xukunnada lagu ridday uu maxkamadda horteeda ka akhriyay Xeer Ilaaliyaha Maxkamada Gobalka G/dhexe Maxamuud Cilmi Gulaafe.

Ciidamada ammaanka ee Galmudug ayaa illaanayay si ay uga hortagaan falalka la xiriira amni darrada si loo illaaliyo amniga iyo xasiloonida sida ay sheegeen saraakiisha amniga ee maamul Gobolleedka Galmudug.

Bilowgii sanadkani ayay ahayd markii heshiis ku aadan illaalinta amniga iyo nabadgelyada guud ahaan Gobolka ay wada gaareen ciidamada maamul Gobolleedka Galmudug iyo Puntland sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada booliiska ee Galmudug.

Xulunka Maxakamadda ayaa kusoo beegmay iyadoo guud ahaan gobalka Mudug ay ka socdaan howl galo lagu sugayo amniga iyo nabadgelyada si looga hortago falal ammaan darada ah kuwaasi oo carqaladeeyn kara heshiiskii horaantii sanadkan ay magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug ku wada saxiixdeen Madaxda Dowlad Gobaleedyada Galmudug iyo Puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...

Guddoomiyaha BFS oo dhambaal hambalyo ah ka helay Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Boqortooyada Baxrayn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...