MADAXWEYNAHA OO BOGAADIYAY IS-FAHAMKA LAGA GAARAY WADA-HADALLADII DHINACYADA GALMUDUG

Date:

Muqdisho, 13ka Luulyo, 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay is-fahamka ay gaareen dhinacyada Galmudug oo maalmahan u joogay magaalada Muqdisho xal u helista khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhex jiray.

Madaxweynaha ayaa yiri “Keddib wada-tashiyo aan la yeeshay dhinacyada ay khuseyso dib-u-heshiisiinta Galmudug, waxaan xalay ka gaarnay natiijo wax ku ool ah oo u adeegeeysa danta guud, taas oo ku timid isu-tanaasul iyo is-qancin.”

“Waxaan uga mahadcelinayaa dhammaan madaxda Galmudug sida xilkasnimada leh ee ay u soo dhaweeyeen qorshihii aanu hordhignay kaas oo uu aasaas u yahay dhaqan-gelinta heshiiskii ka koobnaa 14ka qodob ee ay kula saxiixdeen Villa Soomaaliya 6dii Diseembar, 2017.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in madaxda Galmudug ay wax walba ka hormariyaan danta guud, ayna muujiyaan masuuliyad dheeri ah si loo dardargeliyo dib u heshiisiinta Galmudug, shacabkana loo gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah.

Madaxda Galmudug ee ka qeyb gashay wada hadalladan ayaa soo dhaweeyay tubta ay u jeexday Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu soo afjarayo khilaafaadka siyaasadeed ee bilihii u dambeeyay taagnaa, waxaana la isla meel dhigay in hawsha lagu dhammeystiro magaalada Dhuusamareeb.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo lagu soo gabagabeeyay doorashada hoggaanka Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka 

Waxaa si rasmi ah usoo dhammaatay doorashada Guddoomiyaha, Guddoomiye...

Faadumo Cabdiqani Yuusuf oo loo doortay Xoghayaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya

Faadumo Cabdiqani Yuusuf ayaa loo doortay Xoghayaha Guddiga Madaxa-bannaan...

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ka qeyb galay xil-wareejinta Taliyaha CXDS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre,...

Wasiir Fiqi oo bogaadiyay guulihii Ciidanka Xoogga Dalka xilligii Taliye Odawaa

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Fiqi),...