Laanqayrta Cas oo ka deyrineysa xaaladda degaanno ka mid ah Koofurta Itoobiya

Date:

Geneva-(SNTV)- Hay’adda caalamiga ah ee Laanqayrta cas (ICRC) ayaa sheegtay in shaqaaqooyinka ka dhex taagan Shucuubta Ku dhaqan Koofurta Itoobiya ay sare usii qaadeyso dhibaatooyinka Bani’aadamnimo ee halkaasi ka jira.

Laanqayrta cas ayaa walaac ka muujisay iney xaalad adag soo food saarto in ka badan 800,000 oo Qof oo si qasab ah looga barakiciyay degaannadoodii, kuwaas oo aan haysan Hooy, Cunto, Biyo nadiif ah iyo waxyaabo kale oo aasaasi u ah nolosha Aadanaha.

Xubno ka socda Hay’adda Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas iyo Isku tallaabta Cas ee Itoobiya ayaa dhowaan si wada jir ah u booqday Degmada Kochere oo ka mid ah goobaha ugu badan ee ay Dadka ku bara kaceen.

Shirin Hanafieh, oo ah Sarkaal ka tirsan hay’adda ICRC ayaa sheegay inaan loo baahnayn inay Beesha caalamku iska Indha tirto ama fududeysato dhibaatada Bini’aaddannimo ee halkaasi ka taagan.

Qayla dhaantan kasoo baxday hay’adda Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ayaa kusoo beegmaysa xilli ay shaqaaqooyin kuwaa la mid ihi ka taagan yihiin degaanka Mooyaale ee Gobolka Liibaan Itoobiya, halkaasoo ay ku dagaallamayaan Qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi oo Martigelisay kulan Afur ah

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nairobi ayaa martigelisay Cashadii...

Mareykanka iyo Israa’iil oo duqeymo ka geystay Iiraan

Israa’iil ayaa sheegtay inay gantaal ku weerartay Iiraan, halka...

Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Türkiye, Hakan Fidan, ayaa Jimcihii...

Degmada Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan.

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...