Wasiirka Difaaca iyo Taliyeyaasha Ciidanka Qalabka sida oo Kormeeray Xerada Hiilweyne

Date:

Muqdisho (SNTV), Kormeerka guddiga qiimeynta xeryaha Ciidanka xoogga dalka oo uu madax u yahay wasiirka Gaashaandhigga mudane Xasan Cali Maxamed Amar-dambe, ayna Xubno ka yihiin Taliyeyaasha Ciidamada Asluubta, Booliska, Xoogga dalka iyo Taliye ku xiggeenka Hay’adda NISA, ayaa maanta kormeer waxay  ku tageen Dugsiga Hiilweyne ee duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha dhexe, kaasi oo qeyb ka ah qorshaha lagu horumarinayo tayada Ciidanka xoogga dalka.

Mas’uuliyiinta, ayaa la kulmay saraakiisha, iyaggoo ka xog wareystay xaaladda ay ku sugan yihiin ciidanka ka howlgala deegaanada Balcad hoos yimaada, waxayna ku soo wareegeen qeybaha ay ka kooban tahay xeryaha Hiilweyne.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Sareeyo gaas C/weli Jaamac Gorod, oo la hadlayay ciidanka, ayaa u sheegay in ciidanka xoogga dalka dib u habeyn lagu sameyn doono.

Wasiika Gaashaandhigga mudane Xasan Cali Maxamed Amar-dambe, ayaa sheegay in baahida jirta wax laga qaban doono, isla markaana ciidanka looga baahan yahay in ay waajibkooda gutaan.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhoweeyey Danjiraha Talyaaniga

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Madaxweynaha oo ka qaybgalay Salaadda Janaasadda AUN Marxuun Iimaan Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Meydka Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu aasayo Ceel- Cirfiid

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Meydka Marxuum...