Muqdisho(SNTV)ย Shirkan oo ay isugu yimaadeen masโuuliyiinta qaar kamid ah wasaaradaha heer Federaalย iyo heer dowlad goboleed,hayโdo caalami ah iyo kuwo Maxali ah ayaa diiradda lagu saaray sidii hoos loogu daadejin lahaa howlaha gargaarka baniโaadinimo ee Soomaaliya iyo awood siinta hayโadaha maxaliga ah ee dalka ka howlgala.
Intii uu socday shirkaasi ayaa lagu soo bandhigay aragtiyo ku aadan sida ugu haboon oo gar gaar dhameystiran loo gaarsiin karo dadka kunool guud ahaan dalka,iyadoo loo marayo awoodsiinta hayโadaha maxaliga ah,kuwaasi oo la aaminsanyahay in ay kaga haboon yihiin fidinta howlaha gargaar maadaama ay dalka ay ka howlgalaan.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ayaa faah faahiyay ahmiyada ay dalka u leedahay qorshaha daadejinta howlaha samafal.
โRuntii waxaa ahmiyad weyn inoo ah in fulinta mshaariicda ay gacanta u galaan hayโadaha maxaliga ah ee dalk aka howlgala,waxaana raacaynaa heshiis horey u dhacay iyo wada hadaladii dalka Turkiga 2012kii kaasi oo ku saabsanaa in dadka maxaliga ah awood badan la siiy,taasina waa inoo faaidoโ. Ayuu Yiri Maxamed Macalin.
Sidoo kale Maxamuud Maxamed Ibraahim oo kamid ah masโuuliyiinta Hayโadda World Vision oo kamid ah hayโadaha gar gaarka ee Caalamiga ah aya hadlay ujeedka laga damacsanyahay in awood la siiyo hayโadaha maxaliga ah.
โAnaga ka caalami ahan iyo kuwa maxaliga ah waxaan is leeyahay waxbadan ayay qabanaysaa arrintan,waxaa ay wax ka taraysaa in ay gaaraan meel aysan gaari Karin kuwa caalamiga ah,iyagana waxay u noqonaysaa dabcan fursada awoodooda ay sare ugu qaadi karaanโ. Ayuu yiri Maxamuud.
Talaabadan ayaa hadii ay hirgasho waxay fursad u noqonaysaa dadbadan oo haysta xaalado baniโaadanimo in ay si haboon uga faaโidaystaan howlaha gargaar ee dalka ka socda,waxaana ay imanaysaa iyadoo baahiyo badan loo qabo in dadka ku dhibaataysan qeybo kamid ah gobolada dalka ay helaan fursad ku aadan adeegyada ay u baahanyihiin.