Wasiir Beylah “Dakhliga Dalka ilaa iyo 58% ayaan Daboolnay”

Date:

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi raxmaan Ducaale Beylah ayaa Shir Jaraa’id uu ku qabtay Magaalada Muqdisho wuxuu faahfaahiyay waxyaabihii u qabsoomay 6-dii bilood ee la soo dhaafay.

Wasiirka Beylah ayaa sheegay in Lixdii Bil ee la soo dhaafay Dakhliga dalka uu kordhay isla markaana uu gaaray 58% marka la barbardhigo sanadkii lasoo dhaafay, isagoo guul ku tilmaamay in markale lacagtii IMF ka dooneysay ay keeneen in ka sareysa.

Wasiirka ayaa tilmaamay in la isku raacay in Dakhlig dalka ay qabato Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo ay suurta gashay in Wasaaraddaha Xukuumadda ay Dakhligii ay hayeen ku wareejiyaan Wasaaradda Maaliyadda.

“Dakhliga ina soo galay ilaa iyo boqolkiia 58 ayaan daboolnay meel hoosa ayaan kasoo bilownay dhawaan waxaan ilaah ka rajeyneynaa wax kasta oo dowlada ay ku socotaba inaan anagu dabooli karno Waxaa noo suurta gashay inaan soo wareejino dakhliga ay qaadi jireen Wasaaraddaha Xukuumadda Soomaaliya iyo Maxkamadaha taas waxay noo fududeysay inaan gaarno heerkii loo baahnaa”.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii xuquuq joogta ah ay u heli lahaayeen Shaqaalaha Dowlada ee sida wanaagsan u shaqeeya, isagoo dhanaca kale u digay dadka aan u shaqeyn dalka iyo dadka ee Mushaaraadka iska qaata wuxuuna xusay in baaritaan uu ku socdo isla markaana si fiican la iskula xisaabtami doono.

Wasiir Beylah ayaa sidoo kale sheegay in sanadkaan waxyaabaha u qabsoomay Dowlada ay ka mid tahay in meel gaba gabo ah uu marayo qorshaha lagu daabacayo lacagta cusub ee dalka uu yeelanayo, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay 41-Milyan oo lagu fuliyo Hawshaas iyadoo IMF ay dowlada ka caawineyso.

“Waxaa kale oo inoo qabsoomay sanadkaan inaan Lacagteenii soo daabacno wax weyn oo inaga dhiman weeye, laakiin shaqo badan oo adag ayaa ka horeysay Shuruudo badan ayay laheyd dhamaan waa lagu soo guuleystay, wali cidii inoo soo daabici laheyd, nuuca ay lacagta noqon laheyd iyo cidii ku sawirnaan laheyd wali leyslama garan, Guddiyo ayaa la sameyni dadweynaha ayaa kasoo qeyb gali lacagta la isku raaco ayaa la sameyni”.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dhawaan la dhisi doono Xarumaha degmooyinka ee lagu qaban lahaa Canshuuraha maadaama ay burbursan yihiin, sidoo kalena la furi doonaa Iskuul lagu barto Maamulka Maaliyadda iyo Canshuuraha.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn u Mahad celiyay Wasiiradda Maaliyadda Dowlad Gobaleedyada dalka uu sheegay inay wada shaqeyn wanaagsan la leeyihiin isagoo sheegay in la mideynayo Canshuuraha guud ahaan dalka laga qaado.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...