Maamulka Degmada Xudur oo wada Mashruuc Iskuullo Waxbarasho loogu dhisayo Degmada

Date:

Xudur(SNTV);- Maamulka Degmada Xudur ee Gobalka Bakool ayaa WadO qorshe lagu horumarinayo laguna dhisayo IskuulLo Wax barsho oo ay yeelato Degmada si ay uga faa’iideystaan Ardayda u baahan inay Aqoontooda kor u qaadaan.

Guddoomiyaha Xafiiska dib-u-dhiska iyo Horumarinta Maamulka Degmada Xudur C/risaaq Isaaq Saajin oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegey in ay wadaan howlaha horumarineed ee Degmada, iyagoo kaashanaya hay’adaha ku shaqada leh.

“Waxaan wadnaa Qorshe ballaaran kaasi oo aan ugu tallo galnay in aan ku balaarino Waxbarashada Degmada Xudur maxaa yeelay waxey Degmadu ka liidataa dhanka Waxbarashada mardhowna waxaa bilaabi doonaa arrintaas” sidaas waxaa yiri C/risaaq Isaaq Saajin.

Gudoomiye C/risaaq ayaa sidoo kale sheegey iney wadaan dib-u-dayactir ay ku sameynayaan Waddooyinka qaar ee soo gala Degmada, meelaha qaar ayaa la dhagax dhigay si loo horumariyo adeegyadda aasaasiga ah ee ay Bulshadda u baahan tahey.

Ugu dambeyn, Gudoomiyaha ayaa xusay in wax kasta oo horumarin ah oo uu xafiiskiisa ku guuleystey ay qeyb k atahay Amniga Degmada oo ay ka shaqeeyeen hay’adaha Ammaanka oo kaashanaya Shacabka Deegaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Waxbarashada oo galabta Shaacineyso Natiijada Imtixaanka Fasalka 12-aad

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, waxa...

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay konteenarro maandooriye ah

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan, ayaa shir...

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Waxbarashada oo gaaray magaalada Jowhar

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS Mudane Faarax...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hambalyo u diray guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad-goboleedka Waqooyi Bari

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...