Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada ku casuumay wiil dhallinyaro ah

Date:

Muqdisho(SNTV);- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marti qaad u fidiyey wiil Soomaali ah oo ku nool dalka Maraykanka, kaas oo ku guuleystay tartanka Quraanka Kariimka ah.

Axmed Burhaan Maxamed oo ku guuleystay abaalmarinta Dubai ee caalamiga ah, isagoona ka guuleystay in ka badan 100 qof oo adduunka ka kala yimid, kuna tartameyey Quraanka Kareemka ah ayaa lagu wadaa toobaadkan in uu soo gaaro Soomaaliya.

Axmed oo 17 jir ah ayaa u sheegay warbaahinta dalka Maraykanka in uu aad ugu  faraxsan yahay xiriirka ay la soo sameysay Madaxtooyada Soomaaliya, isla markaasna ay qiimoweyn u leedahay in uu la kulmo Madaxweyne Farmaajo.

“Waa wax aad u farxad badan, ma aanan fileynin. Waxay iiga dhigantahay maamuus iyo ixtiraam aad u badan.”ayuu yiri Maxamed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tan iyo xilka inta uu qabtay waxa uu maamuus iyo marti qaad u sameeyey qaar ka mid ah dadka hal abuurka leh sida abwaanno,qorayaal, ciyaartooy  farshaxanaystayaal, iyo dhallinyaro kaalimaha hore ka galay tartannada Quraanka Kareemka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo...