Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS oo sheegtay in dayactir lagu sameynayo Dekadaha dalka

Date:

Hobyo(SNTV);- Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Maryan Jaamac Aways oo la hadashay warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in dib u dhis iyo dayactir lagu samaynayo Dekadaha dalka, si uu u kordho daqliga dalkeenna.

Wasiirka ayaa sidoo kale faah-faahin ka bixisay Booqasho dalka ay ku joogaan wafdi ka socda dowladda Qadar oo qiimayn ku samaynaya Dekadaha, si ay maal gashi ugu sameeyaan.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Marwo Maryan Jaamac Aweys ayaa sheegtay in iyada iyo Wafdi ka socda Qadar ay booqdeen Dekadda Qadiimiga ah ee Hobyo,waxayna sheegtay in Wafdiga ka socda Dowladda Qadar ay daneynayaan iney maalgashi ku sameeyaan Dekadaha dalka ku yaalo.

Degmada Hobyo oo ah deegaan istiraatiji ah ayaa waxaa ku yaalo Dekad weyn oo caalami ah oo haddii maalgashi iyo dayactir lagu sameeyo ay ka faa’idi karaan Shacabka Soomaalyeed.

Wafdigaan ayaa shalay Booqday dekada magaalada Hobyo, waxaana sidoo kale lagu wadaa inay tagaaan qaar kale oo ka mid ah magaalooyinka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

50-kamid ah Ciidanka xaq u dirirka degaanka oo laga sagootiyay Muqdisho

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar...

Wasiirka Maaliyadda oo daah-furay hannaanka saxiixa Danabeysan ee Maamulka lacag bixinta

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige,...

Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay isu soo bax lagu taageerayay doorashada qof iyo codka ah

Xalay waxaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Taleex, isugu...

Wasiirka Gaashaanshigga oo kulan la qaatay Guddiga Difaaca iyo Amniga Aqalka Sare

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu...