Tababar ku aadan Istaraatiijiyada Xogaha Qaranka oo lagu qabtay  Muqdisho

Date:

Wasaaradda Qorshaynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta tababar hal cisho ah oo ku saabsanaa horumarinta Istaraatijiyadda Qaranka u qabatay xubno ka socday Wasaaradaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Tababarkan oo ay Wasaaraddu iska kaashanayeen Bankiga horumarinta Afrika ayaa lagu soo bandhigay sida ugu haboon ee loola socon karo sicirka suuqyada iyo badeecadaha kala duwan, taasoo ay macnaheedu tahay inay Dowladdu gacanta ku hayso xogta Istaraatiijiyadda Dalka.

Agaasimaha Guud ee xogaha Qaranka Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cumar Daahir ayaa sheegay in ay ku howlanyahiin dhismaha qeybaha kala duwan ee Wasaaradaha  Dowladda iyo sidii loogu diyaarin lagaa in ay xogaha Dalka iyaga soo uruuriyaan.

Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Soomaaliyeed ayaa qeyb ka ah dalaallo lagu doonayo in la helo xubno aqoon u leh uruurinta xogaha Qaranka, kuwaas oo ka kala tirsan hay’adaha Dowladda iyo maamul Gobaleedyada dalka ka dhisan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa billowgii sanadkan ku guuleysatay la socodka sicirka suuqyada Dalka iyo qiimaha badeecadaha, taasoo muujineysa sida uu miro dhalka u yahay hindisaha xog uruurinta Qaranka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha guddaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaamiyey munaasabad lagu wareejinayey agab caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhismaha wadadda Cabdiqaasim

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen safiirrada dalalka Afrika ee Koonfur Afrika

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika,...