Soomaaliya oo ka qaybgalaysa shirka Golaha Fulinta Midowga Afrika.

Date:

Wasiiru dowlah Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Axmed-Kheyr Cabdi, waxa uu ka qeybgalay kulanka caadiga ah ee 33,aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika ee ku qabsoomay Magaalada Nouakchott ee dalka Mauritania, iyadoo loo gogol xaarayo shirka 31,aad ee kulan madaxeedka Midowga Afrika oo socon doona Maalmaha 1-2 July.

Ka qayb qaadashada Soomaaliya ee shir madaxeedka Afrika iyo kulamada gogol xaarka ah waxay ka qayb tahay ahmiyadda joogtada ah ee Soomaaliya ay kula falgasho arrimaha Qaaradda Afrika, iyadoo ah xubin wax ka aas’aastay Midowga Afrika oo hore loo yiqiinnay Ururka Midnimada Afrika.

Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Midowga Afrika oo ku qabsoomay 28-29 June Magaalada Nouakchott ayaa diirrada lagu saarray geedi socodka dib u habeynta Ururka, mashruuca miisaaniyadda Midowga Afrika ee sanadka 2019, mgacaabidda Golaha Hantidhowrka Dibadda iyo horumarrada laga gaarray Suuqa keli ah ee gaadiidka cirka Afrika, Aagga ganacsiga xorta ah ee Afrika, Qabyo qoraalka Sharciga isu socodka xorta ah ee dadka iyo mustaqbalka heshiiska wadagga ee Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ee loo yaqaan “Cotonou Partnership Agreement”, diyaarinta ajandayaasha shir madaxeedka iyo qodobo kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...