Guddiga qaban qaabada maalmaha xorriyadda oo booqday Wasaaradda Gaashaandhigga

Date:

Muqdisho(SNTV) Wasiirka Wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya, mudane Daahir Maxamuud Geelle, ahna guddoomiyaha guddiga qaban qaabada maalmaha xorriyadda dalka oo uu wehliyo wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa maanta kormeer howleed ku tagay xarunta wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirada iyo masuuliyiintii kale ee la socotay ayaa waxaa xarunta wasaaradda ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe)  isla markaana xubin ka ah guddiga.

U jeedada kormeerka wasiiradan ayaa aheyd u kuur gelida hanaanka loo carbiyay ciidanka xoogga dalka ee ka qeyb qaadan doono dabaaldega maalinta xorriyadda oo wasiirka Gaashaandhigga, mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) uu halkaas ku diyaariyay.

Cutubyada ka tirsan ciidanka xoogga dalka ee loo diyaariyay in ay ka qeyb qaataan fantasiyaha iyo damaashaadka 1-da Luulyo ayaa xarunta wasaaradda gaashaandhigga ku soo bandhigay gaarti ka cayaar iyadoo mas’uuliyiinta ay sheeda ka daawanayeen.

Wasiirka Gaashaandhigga mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa xubnaha kale ugu warbixiyay sida loo diyaariyay ciidankan, isagoo u mahadceliyay wasiiradda kormeerka ku yimid xarunta wasaarada.

U diyaar garowga, maalinta qiimaha badan ee 1-da Luulyo oo ah maalinta xorriyadda iyo israacii labadii gobol ee Soomaaliya ee Koofur iyo Waqooyi ayaa si dardar leh ku socota, iyadoo dowladda Soomaaliya u xil saartay guddiga wasiiro ah oo uu guddoomiye ka yahay wasiirka warfaafinta Soomaaliya, mudane Daahir Maxamuud Geelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...