hawlgalka Haddiyadda Xorriyadda oo lagu laayey Ajaanib ka tirsan Al-shabaab.

Date:

hawl qorshaysan oo Ciidamada ammaanka Soomaaliya ay ka fuliyeen Magaalada Jilib ayaa lagu dilay in ka badan 30, Ka tirsan Ajaanibta Argagaixisada Alshabaab kaddib markii Ciidammadu ay Ku weeraraan Guri ay Ka daganaayeen Magaalada gudaheeda.

Xogta aan Ka helnay Hay’adaha Amniga Qaranka waxa ay sheegaysaa in inta badan ajaanibtu ay u dhasheen waddamada Kenya iyo Suudaan waxaana lala dilay Tarjubaanno Soomaali ah oo u shaqaynayey.

hawlgalka labaad oo Ciidamada Qaranku Ka fuliyeen isla jilib waxa ay dhaawac culus ugu gaysteen Dhagarqabe horjooge Bashiir Maxamed Maxamuud loo yaqaano (Qoorgaab) kaas oo horay madaxiisa loo dulsaaray Sadex Milyan oo Doolar Mareykanka ah.

Hay’adaha Amnigu waxa ay  Isha Ku hayaan dhaq-dhaqaaqa Maleshiyaada Shabaab gaar ahaan kuwa lagu dhaawacay hawlgalka Jilib oo uu ugu horeeyay Dhagar-qabe qoorgaab.

hawlgalkaan waa Haddiyad ay Ciidamada Amnigu ugu deeqeen Shacabka maalmaha Xorriyadda awgeed,  iyadoo lagu burburiyay Halis argagixisadu lamaaganayd Shacabka Soomaaliyeed ee toddobaadka xorriyadda u dabaal-dagaya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukun toogasho ah ku fulisay dhagarqayaal Khawaarij ah

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka...

Tababar ku saabsan qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Muqdisho lagu qabtay

Tababar ku saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran (Green Climate...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida Dr Cumar Aaden Cadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...