Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti-(Sawirro)

Date:

Jabuuti-(SNTV)-Guddomiyaha Golaha Shacabka Soomaliyeed Amb Mohamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo Booqasho Ku Jooga Dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyada aan Walalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geelle, waxayna ka Wada hadleen sidii iyagoo wada jira ay isaga gaashan lahaayeen arrimaha xiriirka Dunida iyo wax is dhaafsiga.

Guddoomiye Mursal oo Maalintii Labaad Booqasho Ku Jooga Dalka Jabuuti ayaa sidoo kale la kulmay Raisalwasaraha Dalka Jabuuti Mudane Cabduqaadir Kaamil Maxamed, Waxyna Ka wada hadleen xiriirka Labada Dowladadood Iyo Iskaashiga Labada Dhinac sidii loo sii xoojin lahaa.

Madaxda Jabuuti ee uu ugu horreeyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa walaalahooda Soomaaliya uga mahad celiyay doorkii lama illaawaanka ahayd ee ay ku lahaayeen madax bannaanideeda 27-kii June 1977-kii.

Mudane Mursal ayaa Maanta ka qayb geli doono xuska Maalinta xorriyadda Jabuuti oo ku beegan 27-ka June,waxaana lagu wadaa inay munaasabaddaasi ka qayb galaan waddamada jaarka la ah Jabuuti iyo kuwa ay saaxiibbadda yihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha

Sanduuqa Qaranka ee Maalgelinta Cimilada (National Climate Fund –...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee...