Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo booqday Xarunta Baarlamaanka Dawladda Djibouti

Date:

Muqdisho (SNTV), Guddoomiyaha golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan iyo wafdi uu hoggaaminyo oo maalintii labaad ku sugan dalka aynu walaalaha nahay ee jamhuuriyadda Djibouti, ayaa booqday xarunta baarlamaanka ,waxa uuna isla xarunta uu kulan kula qaatay Guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti  Maxamed Cali Xaamud iyo xubno ka tirsan xildhibaanada dalkaasi.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Djibouti,  ayaa marka hore guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya iyo wafdigiisa soo dhaweeyey, isaggoo uga warbixiyay xaaladda baarlamaanka iyo qaabka uu u shaqeeyo,waxaana guddoomiyaha golaha shacabka ee jambuuriyaddda federaalka Soomaaliya uu guddoonka iyo xildhibaanada jabuuti uga mahad celiyay soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen, isaggoo dhankiisa faah faahin ka siiyay howsha wanaagsan ee uu golaha shacabka ee JFS.

Intaasi ka dib labada gudoomiye oo si wadajir ah warbaahinta ula hadlay ayaa guddoomiyaha baarlamaanka dalkan jabuuti Maxamed Cali Xaamud waxaa uu sheegay in kulankoodii maanta ay kasooo baxeen qodobo ujeedkoodu uu yahay sii xoojinta xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada wadan ee walaalaha ah iyo wada shaqeynta baarlamaanka labada Dal.

Guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanahay kulanka uu maanta dhiggiisa dalka jabuuti la qaatay islamarkaana uu kulankan sidoo kale wax weyn kusoo kordhin doono iskaashiga labada dhinac oo hadda maraya meel aad u wanaagsan.

Dhinaca kale Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kormeeray labad dekadood oo ku yaala magaaladda  jabuuti ee xarunta wadanka jamhuuriyada jabuuti ,waxaana ku wehliyay kormeerkiisa safiirka jamhuuriyada jabuuti u fadhiya soomaaliya Mudane Aadan Xasan Aadan, waxaana uu guddoomiyaha uu aad u ammaanay horumarka ka dhashay iskaashiga shacabka iyo dowladda ee ay ku talaabsadeen walaalaha jamhuuuriyada jabuuti.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...