Madaxweyne Farmaajo oo qalabbeeyey Isbitaalka Xoogga

Date:

Qeybta qaliinka ayaa  lagu kordhiyay Isbitalka Xoogga Dalka oo dhismihiisa dhawaan la soo geba gebeeyey,iyadoo loogu talagalay in lagu qabto adeegyada Caafimaadka ee muhiimka u ah ciidanka Xoogga Dalka, Madaxweynaha Dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qalabbeeyey qeybtaan cusub.

Munaasabad kooban oo xariga looga jarayay qeybtan cusub waxaa ka qeybgalay wasiirka gaashaandhiga,Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka,Saraakiil iyo wakiilo ka socoday Dowladaha Caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Col. Mahad C/llaahi Shiine oo ah madax hoggaanka caafimaadka ciidanka Xoogga Dalka ayaa ugu horeyn faah faahiyay muhiimadda qeybtan qaliinka.

Danjiraha dowladda Turkiga ee Soomaaliya Olgan Baker iyo diblomaasiyiintii kale oo ka qeybgashey munaasabadda ayaa ammaanay dadaalka dowladda Soomaaliya ee  u aadan dib u dhiska xarumaha muhiimka ah, gaar ahaan kuwa ciidammada.

Taliyaha ciidammada Xoogga ayaa aaminsan in tani ay qeyb  Lixaad leh ka qaadaneyso dhismaha ciidanka xoogga dalka hadda socda.

Mudane Xasan Cali  Maxamed (Amar-dambe) wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay kaalintii ay qaadatay dowladda Talyaaniga dhismaha qeybtan caafimaad, tanina ay bilow u tahay horumarinta adeegyada ciidamada Xogga dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Ganacsiga XFS oo ka qayb galay shirka warshadaha Dalalka ku bahoobay EAC

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee...

Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Yemen oo wasaaradda Arrimaha dibedda Yemen ka guddoontay warqadaha Aqoonsiga

Danjiraha JFS ee dalka Yemen Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed...

Wasiir-dowlaha Beeraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galay shirka IFAD

Wasiir-dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Mudane Asad Cabdirisaaq...

Wasiirka Qoyska XFS oo furtay Imtixaanka Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...