Shir looga hadlayo arrimaha Deegaanka iyo Beeraha Soomaaliya oo ka furmay Mareykanka

Date:

Ohio(SNTV Aqoonyahano Soomaaliyeed oo isugu jira qabiiro dhinaca beeraha,wasiiro xilal ka soo qabtay Wasaaradda Beeraha Soomaaliya,iyo masuuliyiin ku taqasusay cilmiga deegaanka ayaa shir uga furmay magalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka,kuwaasi oo ka kala yimid goboladda Dalka Mareykanka,Canada, Nairobi iyo meelo kale oo baddan.

Shirkan ayaa ka furmay hollka shirarka ee Jaamacadda The Ohio State Unuversity ee magaalada Columbus,waxaana ujeedku yahay Baadigoobka hannaan lagu bad baadiyo deegaanka iyo sidii loo dhiirogalinlahaa jiilasha cusub ee barta cilmiga deegaanka,xili Soomaaliya jarista Dhirta fatahaadaha wabiyada iyo biya yariduba ay ku soo laalaabteen loona baahanyahay in lagu baraarugo muhiimada deeganka.

Waxa ay intooda baddan aqoon u leeyihiin arrimaha deegaanka waxay wax ku barteen wadamada dibadda, waxayna ka soo shaqeeyeen gudaha Soomaaliya xiliyo kala gedisan,waxa ay u arkaan xiligan in uu yahay xiligii ay Taariikhda qori lahaayeen,iyagana ay qori lahayd, oo ay dalkooda iyo dadkooda dhaxal uga tagaan.

Xubanaha shirkan uga furmay Columbus oo gaaraya Boqol iyo shan xubnood (105) waxa ay qireen in Soomaaliya ay tahay wadan leh dhulbeereedka Geeska Africa ugu fiican lakin ay ku xeeranyihiin caqabado hortaagan in horay loo dhigo arimaha beeraha, lakin dhanka kale ay jiran dul baddan oo la beeri karo oo Nabad iyo Maamul ka jiro hadana aan laga faa’iidaysa, waana arimaha keenaya in aan lagu baarurugin ahmiyada Beraha.

Ma jirto dowlad ama urur iskugu yeeray intan oo aqoonayahan ah balse waxa ay isla garteen in tani ay tahay doorkoodii kaga aadanaa dalkooda maadama intooda badan ay wax ku barteen Canshuurtii Dowlada Soomaaliya ay ka qaaday shacabka.

Shirkan oo sadex cisho socon doona waxaa laga soo saari doonaa Warmurtiyeed sida ay sheegeen wax gal u noqon doona arimaha deegaanka iyo beeraha Soomaaliya gaar ahaan Ardada barata Cilmiga deegaanka.

Waa markii ugu horeysay oo shir looga hadlayo arrimaha deegaanka lagu qabtay Columbus,waana shir ahmiyad u yeelan doona dadka xiiseeya arrimaha Beeraha,Deegaanka iyo Cimilada Soomaaliya.

Deeqo Shire (SONNA)

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...