Dhalinyaro Soomaaliyeed oo Furumaha hore ee dagaalka Ciidamada Xoogga ugu geeyay Raashin Bisil

Date:

Muqdisho (SNTV), Golaha dhalinyarada dowlad goboleedka Jubbaland oo ay ku mideysan yihiin dhalinyarada ku dhaqan degaanada Maamulkaasi, ayaa bilaabay Olole lagu dhiiragalinayo ciidamada Xoogga dalka ee dagaalka kula jira Nabadiidka Al-shabaab.

Dhalinyaradaan Soomaaliyeed, ayaa gaaray deegaanada baarsanguni ,kaban Araare iyo maano muufo halkaasi oo dhawaan laga xoreeyay nabadiidka Al-shabaab, waxayna ciidamada u geeyeen Raashin bisil.

Qaar ka mid ah dhalinyarada Raashinka u geeyay ciidamada, ayaa ugu mahad celiyay Ciidanka xoogga dalka sida u wadaan howlgalada dalka looga xoreynayo nabadiidka Al-shabaab, waxaana ay tilmaameen in hiil ay la garab taagan yihiin geesiyaasha Qaranka.

Abaandullaha qeybta 43Aad ee Ciidanka xoogga dalka G/dhaxe  Cabdi ibraahim, ayaa dhalinyarada  Jubbaland  uga mahad celiyey dhalinyaradaasi sida ay u garab istaagan yihiin  ciidamada qalabka sida iyo sida ay uga qeyb qaadanayaan howlgalada ka dhanka ah Argagixisada Al-shabaab.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Maamulka Jubbaland ,ayaa howlgalo ka dhan ah nabadiidka Al-shabaab ka wada degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Jubbooyinka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis ku saabsan xaaladda Ciidamada (SoFA)

War-Saxaafadeed Iyadoo la xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee walaalnimo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho Ku tegay Magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Bangiga dhexe oo xoojinaya shuruudaha Akoon furashada

Bangiga dhexe ee Soomaaliya isaga oo la kaashanaya hay’adda...