Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Addis Ababa

Date:

Addis Ababa-(SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya, si uu ugu qayb galo shirka deg-degga ah ee Urur Goboleedka IGAD, kulankaas oo looga hadli doona xaaladda koofurta Suudaan.

Waxaa sidoo kale Magaalada Addis Ababa ku sugan madaxda Dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD, wakiillo ka socda midowga Afrika , QM, Madaxweynaha Dalka Koofurta Suudaan Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar , si loo xalliyo dagaallada sokeeye ee tan iyo 2013-kii ka aloosan Dalka koofurta Suudaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku wehelinaya shirkan ayaa hor dhigi doona Madaxda dalalka IGAD, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan in la xoojiyo nabad galyada Gobolka, lana soo afjaro dhammaan colaadaha sokeeyo, iyadoona loo marayo is-qancin, isu-tanaasul iyo wada xaajood, si looga gudbo caqabadaha dib-u-dhigay horumarka Qaaradda Afrika.

Shirka looga hadlayo xaaladda Suudaanta koofureed ayaa lagu wadaa inuu gelinka dambe ee Maanta furmo, iyadoo ay waddamada ku bahoobay IGAD ka go’an tahay inay Labada dhinac ku dirqiyaan xal waara oo laga gaara colaadda daba dheeraatay ee ka taagan Suudaanta koofureed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...