Hey’adda Socdaalka Soomaaliya oo kordhineysa xarumaheeda

Date:

Kismaayo(SNTV):–Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col: Maxamed Aaden Koofi ayaa kormeer shaqo ku tagey magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG Jubbaland.

Agaasimaha oo safarkiisa uu ku wehlinayey madaxa howlaha ee HSJ ayaa la kulmey saraakiisha laanta HSJ u qaabilsan deegaanada Jubbaland, wuxuuna ka dhageystey warbixino la xariira shaqada.

Agaasimaha ayaa habeenimadii xaley aqalka madaxtooyada ku booqdey madaxweynaha Jubbaland, waxayna ka wada hadleen howlaha ballaaran ee HSJ ka heyso deegaanada Jubbaland.

Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa ku guda jirta fulinta qorshaha wajiga 3aad ee dib u howlgelinta barahii socdaalka xuduudaha dhulka iyo ballaarinta xaruumaha adeegga baasaboorka iyo Kaarka aqoonsiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil...

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi...

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray...