Danjire Faqi โ€œSoomaaliya wax wadahadal ah kama galayso Dacwadda Baddaโ€

Date:

Muqdisho (SNTV)ย Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Saciid Faqi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegaya in dhageysiga dacwadda Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ay billaabaneyso sanadka 2019.

Maxkamadda ayaa iyadu sitoos ah dacwadda u dhageysandoonta sida uu sheegay Ambassador Cali Saciid Fiqi oo Soomaaliya u qaabilsan wadamada Yurub.

Danjire Faqi ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya horay isaga diiday inay heshiis hoose oo arrinta badda lagu xalinayo wadagaan Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya sidaasna uu amar ku bixiyey Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyadu jawaab ka bixisay falcelin ay horay Maxkamadda u gudbisay Dowladda Kenya balse waxaa haatan kaliya laga sugayaa Maxkamadda inay ku dhawaaqdo xiliga ay dacwadda sidda taas ah u qaadeyso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatay golaha xukuumadii hore ee maamulkaas.

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal tacsi ah gaarsiiyey Amiirka Dalka Qadar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Shir looga hadlayay Tayada iyo Horumarinta Biyaha sifeysan oo Xarunta Gobolka Banaadir lagu qabtay

Mas'uuliyiinta Sheybaarka Gobolka Banaadir Ayaa Kulanka Ku soo bandhigay...