Soomaaliya oo maanta si dhammeystiran u maamulaneysa Hawadeeda

Date:

Xarunta maamulka Hawada ayaa maanta gelinkii dambe  si rasmi ah loogu dhammeystiray maamulidda Hawada dalka, waxaa la soo wareejiyey  qalabkii iyo shaqaalihii ka harsanaa dhammeystirka maamulka Hawada.

Maxamed Cabdullaahi Oomaar wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxa uu goob-joog ka ahaa madashan kaddibna si ramsi ah ayuu u furay maamulka dhammeystiran ee Hawada dalka.

Avireo Lopez waa madasha howlgelinta hey’adda ICOA waxa uu muujiyey in 27-sanno kaddib ay muuqato isku filnaansho Soomaaliya ay  ka gaarta dhinaca maamulka Hawada, waxa uu intaa raaciyey in  tani ay wadddo cusub u furi doonto wijiga Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa xaqiijiyey in si dhammeystiran loo howlgaliyey qalabka maamulka Hawada dalka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa rumeysan oo kalsooni ku qaba in shaqaalaha maamula Hawada ee Muqdisho loo soo wareejiyey ay ku filan yihiin maamulidda Qalabka si buuxda loo furay hadda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis ku saabsan xaaladda Ciidamada (SoFA)

War-Saxaafadeed Iyadoo la xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee walaalnimo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho Ku tegay Magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Bangiga dhexe oo xoojinaya shuruudaha Akoon furashada

Bangiga dhexe ee Soomaaliya isaga oo la kaashanaya hay’adda...