Daraasiin dad ah oo Kooxda Arxanka daran B.Haram dishay.

Date:

Muqdisho (sntv) Ugu yaraan 31 qof ayaa lagu dilay labo weerar oo is-miidaamin ah kaasi oo ay kooxda Boko Haram ku qaaday deegaanka waqooyi bari ee gobolka Borno State.

Labo weerar oo lala eegtay meel dhismo ah oo lagu magacaabo Damboa oo ay dowladda Nigeria ku leedahay gobolka Borno ayaa kooxda Arxanka daran waxa ay la beegsatay dad kasoo laabtay ka qayb galka munaasabadda Ciidul Fidriga habeennimadii sabtida.

Kooxda arxanka daran ee Boko Haram ayaa garneeylo ku riday meel ay dadku isagu soo xoomeen oo kutaala halka qaraxyada lala beegsaday, halkaasi oo ay dhaawacyo badan ka dhasheen, sida uu AFP u sheegay Babakura oo ka tirsan xafiiska iskuxiraha ciidamada iyo dadka rayidka ee maleeshiyaadka taageeraya militariga iyo kuwa ammaanka.

Weli majirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi, balse Kooxda Boko Haram ayaa loo aaneeynayaa weeraro argagaxiso oo ay ka geeysato gudaha dalka Nigeria muddo kudhow toban sanadood.

Sabtidii ayay ahayd markii ay xarumaha dowladda hoose ee degmooyinka Shuwari iyo Abachari lala eegtay qaraxyo, deegaannadaasi oo masaafo 90km ujira magaalada Maiduguri.

Kooxdan ayaa si khaldan sheegta ama u tarjumta in “Waxbarashada reer Galbeedku tahay mamnuuc”.

In ka badan 20,000 oo qof ayaa lagu dilay iyadoo in ka badan labo milyan oo qof lagu qasbay in ay ka cararaan guryahooda 2009-kii, xiligaasi oo ay kooxda arxanka daran ee mintidka ahi ay ku dhaqaaqday olole ay weeraro bambaano kula eegatay masaajidyo, goobaha suuqyada iyo xeryo ay ku nool yihiin dadka soo barakacay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...