Ururka 89-aad ee xoogga dalka oo qaatay tababar adag

Date:

Muqdisho (SNTV)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saareysa Dhismaha ciidammada Qalabka sida ururka 89-aad SAADKA ee ciidanka xoogga dalka waxaa  la siiyey tababar adag oo socdey muddo Lix bilood.

Madaxa Hoggaanka Saad ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Maxamed Maxamuud Garabeey  ayaa sharraxay tababarkaan nooca uu ahaa iyo waxa laga filayo ururka 89-aad ee ciidanka

Ururrada hoostaga talisyada gaarka ah ayaa loo jeediyey in ay u tafa xeytaan sidii ay ciidammada u siin lahaayeen tababarro aqoonta iyo awoodda Askarta lagu dhisayo, taliska guud ee ciidammada xooggana uu kula xisaabtami doono.

Waxa uu la dar daarmay ciidamamdii tababarka la siiyey, kuna ammaanay dhabar adeegga ay muujiyeen,  taliayha ciidanka Xoogga dalka S/ Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa si gaar ah ugu ammaanay macallimmiintii Tababarka bixisay.

Taliyaha ciidammada Xoogga ayaa si rasmi ah u soo xiray tababarkii ururka 89-aad ee SAADKA.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo...