Xaaska Madaxweynihii hore ee Jorge W/Bush oo cambaareysay Siyaasadda Trump

Date:

Laura Bush oo ah marwadii koowaad ee madaxweynihii hore ee Jorge W Bush,ayaa dhaleeceysay qorshaha Mr.Trump ee ku aaadan siyaasadda muranka dhalisay ee lagu kala kexeynayo qoysaska sida sharci darada ah ku galay dalka Mareykanka.

Qoraal ay ku daabacday  Washington Post, ayeey ku macneysay qorshaha lagu kala kexeynayo qoysaska,gaar ahaan caruurta iyo waalidiintooda in ay yihiin niyad jab iyo cadowtinimo .

Hadaladaan ayaa dabajooga muranno siyaasadeed oo sii kordhaya ,kana dhashay dadka la masaafurinayo,gaar ahaan caruur iyo waalid la kala kexeynayo .

Afhayeen u hadashay Melania Trump oo ah marwada koowaad ee madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa horay u sheegtay in tallaabadaasi ay tahay mid muujineysa walaac,waxayna ku baaqday n labada xisbi ay ka shaqeeaan sidii isbadal loogu sameyn lahaa arimaha dadka soo galootiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.

La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhinaca dhaqaalaha, ahna Guddoomiyaha Golaha...

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen),...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa maanta ku...