Ciidamada xooga dalka oo guula ka gaaray howlgalo ay ka sameeyay degaano ka tirsan Gobalka J/hoose

Date:

Muqdisho (SNTV)-Ciidamada Xooga Dadlka qeybtooda 43-aad oo dhawaanahaanba holgala ka waday degaano hoostaga Gobalka Jubbada hoose ayaa guula ka gaaray Kooxahii Agagixisada ahaa ee isku dayay inay hor istagaan, waxayna shegeen Ciidamada in ay sii wadi donaan dagaaladan ay kula jiraan Kooxaha Nabad diidka ah

G/dhexe Cabdi Ibraahim Cali oo kamid ah sarakiisa hogaamineeysa ciidanka halkaasi ka dagaalamaya oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in qasaara badan ay garsiyeen maleeshiyaadka Nabad diidka ee la dagaalamay.

“Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa howlgalka sameeyey, waxaana ugu tao galnay inan cadowga ka qabano dadka Soomaaliyeed, ilaa todobo goobood oo ay ku sugnaayeen gacanta ayaan ku heynaa, waxaana kusii soconaa meelo kale oo naloogu sheegay iney ku dhuumaaleysanayaan”ayuu yiri. Taliyaha,

Dagaalka ay la galeen Al-shabaab ayuu xusay G/dhexe Cabdi Ibraahim Cali oo kamid ah sarakiisa hogaamineeysa ciidanka iney ku dileen Horjoogayaal katirsan Al-shabaab iyo sidoo kale maleeshiyaad kale, isagoo intaas ku daray in howgalku uu sii socon doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Howlaha Guud oo sheegay in Muqdisho laga hirgelin doono waddooyin tayo leh iyo biya mareenno waara

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska XFS, Dr. Cilmi...

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay dhiggiisa dalka Sweden

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga oo Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiirka difaaca Sweden

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa...

Kulan looga hadlayay Isu-duwidda Maareynta Masiibooyinka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SoDMA iyo UN Women ayaa...