Wasaaradda Kaluumeeysiga iyo Kheyraadka Bada oo digniin u dirtay kaluumeysatada Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho (SNTV)ย Digniintaan ka soo baxday Wasaaradda Kaluumeeysiga iyo Kheyraadka Bada ayaa kusoo aadeysaย  xili lagu guda jira ย bad xirankaย  taasi oo ay suura galtahay in kaluumeeysatada ay dhibaatooyinka kala kulmaan gudaha bada.

haalkan ka soo baxay Wasaarada Kalumeysiga iyo Kheyraadka bada ayaa lagu sheegay in kaluumeeysatada Soomaaliyeed ay ka fijignaadan tagida meelaha ย fof-fog ee Bada gudaheeda iyada oo la ogyahay ย in kaluumeeystada anay haysan qalab ku filan sida ay sheegatay Nadiifo Maxamuud Yuusuf oo ah Agaasimaha Waaxda Cilmi baarista ee Wasaaradda Kaluumeysiga iyo kheyraadka bada.

Wasaaradda Kalumeysiga ayaa sheegatay in xilgaan anay haysan qalabkii logu bad baadin lahaa kaluumeysta xilyada badu ay kacsanatahay waxaana taasi oo ay sababtay burburkii uu dalka soo maray.

inta lagu guda jira xiliga Bad xeranka ayaay Kaluumeysatada Soomaaliyeed la kulmaan ย qasarooyin isugu jira Naf iyo Maal, waxana sheegayaa in hada gudaha Bada lagu waaysanyahay 3 Doomood iyo dhamanba dadkii saarnaa oo tira ahaan lagu qiyaasay 10 ruux, hase yeeshe dadka kaluumeysatada ah ย ayaa ka maarmin mihnadooda ku aadan soo jalaabashada kaluunka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...