Ra’iisul wasaaraha Soomaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo u dhoofay Norway.

Date:

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda FS Mudane Xasan Cali kHayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u amababaxay magaalada Oslo ee dalka Norway, halkaas oo ay kaga qaybgalayaan shir caalami ah oo sanadkiiba mar la qabto.

Oslo Forum oo ah madal caalami ah ayaa sanadkan waxaa ka soo qaybgalaya wufuud dalal badan ka socota iyo madaxda golayaasha waawayn sida xoghayaha guud ee Qaramada Mdoobay oo lagu casuumay.

Soomaaliya waxa ay shirka la tagaysaa ajandayaal ay ka mid yihiin inay dunida ku qanciso isbadalka balaaran ee ay ka samaysay dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo dawlad wanaagga, sida uu sheegay Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo wafdiga qayb ka ah.

Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu wadaa in sidoo kale uu kalamo gaar gaar ah la qaato madaxda shirka ka soo qaybgalaysa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga oo Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiirka difaaca Sweden

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa...

Kulan looga hadlayay Isu-duwidda Maareynta Masiibooyinka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SoDMA iyo UN Women ayaa...

Wasiirka Qoyska oo Geneva kulamo kula yeelatay qaar ka mid ah danjirayaasha caalamka ee QM

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Safiirka JFS ee Aljeeriya oo kulan la qaatay Taliyaha Guud ee Booliska dalkaas

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya, Danjire Yusuf...