Markabkii siday Muhaajiriinta Afrika oo ku xirtay Spain

Date:

Muqdisho (SNTV)- Dufacadii u horeysay oo ka tirsan boqolaal Muhaajiriin ah ayaa gaaray Spain, kuwaasi oo laga soo badbaadiyay badda dhexe, kadib markii Talyaaniga iyo Malta ay diideen in ay qaabilaan.

Saddex ka mid ah Doomaha dheeraaya ayaa badda gudaheeda kasoo daabulay Tahriibayaasha oo u badan Afrika.

Kooxaha Caafimaadka iyo Booliska ayaa markiiba gurmad Caafimaad u fidiyay Muhaajiriinta, iyaga oo su’aalaya waxyaabaha ay u baahan yihiin, si ay uga soo kabtaan diifta iyo dhibaatadii kasoo gaartay Badda.

Dowladda Spain ayaa sheegtay, in si dhow ay ula soconeyso Xaaladooda islamarkaana ay u sameeneyso baaritaan Caafimaad iyo daryeel intaba.

Badbaadinta Tahriibayaasha ayaa ka dambeysay, xilli cida qaabileysa soo galootinga ay muran ka dhex dhalisay Midowga Yurub diidmada Italy kadib, waxaase aqbalay Spain.

Tirada Dadkaan oo gaareysa 629 ayaa waxaa ka mid ah 11 Caruur  oo da’dooda ay ka yar tahay 13 iyo toddobo Haween oo Xaamilo ah sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Spain.

Boqolaal ka tirsan Hay’adda laan-qeyrta cas ayaa gaaray Dekada magaalada Valencia oo ah halka ay caga dhigatay Markab sida Muhaajiriinta.

Kumaan Qof oo ka tagay Afrika ayaa ku dhintay Badda, iyaga oo raadinaya nolal dhaanta mida dalalkooda, iyaga oo sii maraya Liibiya.

Spain oo aan ka mid aheyn dalalka qaabila Qaxootiga, ayaa la aamisan yahay in cadaadis kaga yimid Midowga Yurub ay u ogaalatay in Markabka uu ku xirto dalkeeda hase ahaatee wali ma cadda cida qaabilo doonta Qaxootigaan.

Maxamed Cali Axmed Rooraaye.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...