Soomaaliya iyo Ethiopia oo iskaashigii ugu balaarnaa ka samaynaya dhinaca maalgashiga.

Date:

Muqdisho:- Waxay ahayd booqasho gaaban balse xambaarsan guulo wax ku ool, waxaana madaxda labada wadan ay ay fureen baal cusub,  marka la eego miisaanka qodobada heshiiska ay wada ee ku aadan, amniga, dhaqaalaha iyo siyaasabada oo taabanaya masiirka labada shacab.

Ethiopia waa dal dadkiisku ka badanyihiin 92-Milyan oo aan lahayn  Dekado wax uga soo dagaan, taasnia waxay timid markii ay Eretria kala go’een 1993-dii.

Cabshuur badan ayay ku bixsaa Dekadaha dalalka dariska la ah ee ay wax uga soo dagaan, ama ay ka dhoofiso bunka ay caanka ku tahay iyo badeecadaha kale, iyadoo ay u sii dheertahay masaafada fog ee dekadaha.

95% waxay isticmaashaa Dekadda Jabuti, balse laguma sii tiirsanaan karo hal il oo kaliya, taas ayaana qodobka ugu wayn heshiiska Soomaaliya iyo Ethiopia ka dhigtay in la maalgaliyo 4-Dekadood oo Soomaaliya ku  yaal.

Soomaaliya oo ah dal gees ilaa ka gees bada ku teedsa, islamarkaana samaynaya soobasho amni iyo mid dhaqaale waxaa ka furan fursado maalgashi oo isha lagu wada hayo, balse hadda Ethiopia ayaa ku dhiiraysa inay ka faa’iidaysato.

Ethiopia waxay heshiiska LAPSET kula jirtaa Kenya, kaas oo ah mid baaxad wayn oo Dekadda Lamu ku xiraya gudaha Ethiopia, iyadoo la isticmaalayo Khad Tareen.

Sidoo kale Sudan ayay la dhisaysaa Dekad cusub oo ay Ethiopia saami ku yeelanayso, balse Dekadaha Soomaaliya waxay noqon kartaan dariiq ka dhaw.

Fulinta qodobada heshiiska oo ah halka isha lagu wada hayo waxaa loo saaray gudi isku dhaf ah oo heer wasiir ah, taas oo micneheedu yahay ka g’naashaha labada wadan gaaritaanka mustaqbal wanaagsan iyo iskaashi.

Ka hor Muqdisho, Ra’iisal wasaaraha Ethiopia waxa uu horay socdaalo ugu tagay dalalka Jabuti, Kenya, Uganda, Sudan, Masar iyo Sucuudiga, si uu isbadal ugu sameeyo siyaasadda arrimaha dibadda, si la mid ah gudaha oo isbadallo ka hirgaliyey.

W/Q: Maxamuud Cabdi Diirshe

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...