Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo maanta la ciiday Shacabka Muqdisho.

Date:

Muqdisho, June 15, 2018— Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta socdaal ku tegay deegaanka Daaru-salaam, Xeebta Liido iyo Beerta Nabadda halkaas oo ay ku damaashaadayeen dadweyne u dabbaal degayay Farxadda munaasabadda Ciidul-Fidriga.

Ra’iisul Wasaaraha oo beerta Nabadda kula hadlay shacabkii halkaa ku sugnaa ayaa ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidul-Fidriga isaga oo ku ammaanay sida ay ula shaqeeyeen ciidamada ammaanka oo ay uga qeyb qaateen nabadgelyada Caasimadda iyo guud ahaan Dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa si taa lamid ah ciidanka Suggidda amniga Caasimadda kula ciiday saldhigga ay ku leeyihiin Xarunta Xisbiga ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ciidanka uu kula qadeeyay.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kula dardaarmay ciidanka in ay sii laba jibbaaraan dadaalka ay ku sugayaan amniga si shacabku ay ugu noolaadaan nabad iyo xasilooni waarta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka ugu hambalyeeyay...

Duqa Muqdisho oo Salaadda Ciidda kula tukaday Dadweynaha Degaanka Gubadley

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweyne JFS oo Salaadda Ciidda Carrafo la oogay Kumannaan Shacab ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Soomaaliya oo fariin culus ka jeedisay Shirka Shaqaalaha Adduunka ee Geneva

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Yuusuf Maxamed...