Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Xarumo Caafimaad, Qalabna Gaarsiiyay Isbitaalka Madiina.

Date:

Muqdisho, 15ka Juun 2018:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeeray Isbitaallada Xoogga Dalka, Madiina iyo Rajab Dayib Erdogaan ayaa sheegay in dowladdu ay kaalin mug siineyso horumarinta iyo dib-u-habeynta goobaha iyo adeegyada caafimaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Madaxweynaha oo warbixinno ka dhageystay Agaasimeyaasha iyo dhakhaatiirta Isbitaallada uu booqday ayaa qalab caafimaad oo loogu tala galay gargaarka deg-degga ah iyo agabka wax lagu baaro waxa uu gaarsiiyay Isbitaalka Madiina.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku guda jiray kormeerkan waxa uu dul istaagay xaaladaha bukaannada iyo dhawaacayada ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo shacabka lagu dabiibayo Isbitaallada Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliiska Soomaaliyeed.

“Dhaawacyadani waxa ay idin soo gaareen idinka oo difaacaya qarankeenna, dadnimadeenna iyo sharafteenna, waana arrin ay idiin ogsoon yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo dowladduba. Sidaas darteed, waxaan idiin xaqiijinaya in aan markasta dadaal ugu jirno daryeelkiinna caafimaad.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo askar dhaawac ah kula hadlay Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha qalliinka, raajada, bukaan-jiifka iyo kaydka ee Isbitaallada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Madiina iyo Rajab Dayib Erdogaan, isagoona sidoo kale dul istaagay qeyb cusub oo dhawaan loo dhameystiray Isbitaalka Xoogga Dalka oo ay u idil yihiin agabyada qalliinka, bukaan-jiifka iyo daaweynta.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey dhakhaatiirtii uu kula kulmay Isbitaallada uu kormeerka ku tagay shaqada wanaagsan ee ay bulshada u hayaan, isagoona kula dardaarmay in ay sii dardargeliyaan daryeelka caafimaad ee ay u fidiyaan bukaannada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...